Weerarkii lagu qaaday xalay magaalada Paris oo uu sii kordhay Khasaarihii

November 14, 2015 - Written by Editor

1Wararkaka imaanaya magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska ayaa sheegaya in uu sii kordhay khasaaraha dadkii ku dhintay weeraro kala duwan oo lagu qaaday goobo kala ah Tiyaatarka Bataclan iyo garoonka Stade de France.

Dabley hubeysan oo aan ilaa haatan ka aqoon tiradooda ayaa waxaa ay xoog ku galeen Tiyaatarka Bataclan, halkaasoo koox fanaaniin Mareykan ah ay ka qaadayeen heeso waxayna bilaabeen in ay toogtaan dadkii ku jiray tiyaatarka iyaga oo dilay 112 ruux.
Weearrka labaad ayaa waxaa uu ka dhacay garoonka Stade de France oo uu ku sugnaa madaxweynaha dalka Farance halkaasna waxaa ka socday ciyaar saaxiibtino oo u dhexeysa Farance iyo Jarmal.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa xaalad deg deg ah ku dhawaaqay wuxuuna amar ku bixiyey in la xiro xuduudaha dalka lana sugo amaanka goobaha muhiimka ah.

Sidoo kale waxaa kulan degdeg ah isigu yimid Madaxweynaha Faransiiska ,Golihiisa Wasiirada iyo Madaxda Ammaanka qeybahoooda kala duwan si ay uga arinsadaan weerarka lagu qaaday xalay Paris.

Magaalooyinka waaweyn ee dalka Faransiiska ayaa waxaa lagu daadiyey ciidamo milatari iyo kuwa Boolis ah oo si xoogan u hubeysan waxaana la dhigay magaaalada Paris 1500 askari.

no images were found

Faransiiska ayaa laga joogi waayey kibirkiisa isaga oo weeraro cirka ah ku qaaday wadamada Al-Jeeriya, Soomaaliya,Afgaanistaan.Libya,Suuriya iyo Maali isaga oo ku andacoonaya in uu weeraray kooxo argagixiso ah balse waxaa weerarad qaar ku dhintay dad rayid ah.

Kooxha Al-Qaacida iyo Daacish ayaa dhowr mar u dhaartay wadadmada reer galbeedka gaar ahaan Faransiiska waxayna sheegeen in ay weeraro la beegsan doonaan .

Ilaa hada ma jirto cid sheegatay weerarka xalay lagu qaaday magaalada Paris oo ay ku dhinteen in ka badan 153 ayna ku dhaawacmeen 200 oo ruux.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online