Xafladda Arday ka Qalin-jabisay Mac-hadka Khadiija Bintu Khuwaylid ee Garowe [Masawiro]

November 12, 2015 - Written by Editor

DSC_0604Garoowe:-Maanta oo ah maalinimo Khamiis ah, taariikhduna ku beegantahay 12-11-2015, waxaa ka dhacay hoolka jaamacadda Bariga Afrika xaflad lagu maamuusayo ardey ka qalin-jabisay machadka diiniga ah ee Khadiija Bintu Khuwaylid dufcaddii 6-aad iyo 7-aad, ardeydaas oo gaaraya 74 ardey (16 wiil iyo 58 gabdhood).

Bilowgii xafladaan waxaa lagu furfuray aayaadka qur’aanka kariimka ah, ka dib waxaa uu maamulaha mac-hadka Khadiija: Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax, si toos ah u furay xafladaas, asagoo tilmaamay in xafladdu ay tahay xaflad qalin jabineed, waxaa kale oo maamuluhu bogaadiyey ardeydii u soo dhabar adaygtay barashada diinta islaamka ah muddada ay dhiganayeen machadka, waxa kale oo maamuluhu ka waramay taariikhdii machadka Khadiija iyo xilligii la aasaasay.

Ardeyda ku qalin-jabinaysay xafladdan ayaa soo bandhigtay khubdabo kala duwan, kuna kala baxaya luqada afka carabiga waxaana soo jeedisay ardeyad (Faadumo Cismaan Yuusuf) iyo afka soomaaliga, waxaana soo jeediyey ardey (C/laahi Sh.Maxamuud Xaji Yuusuf), waxayna uga hadleen khudbadahooda faa’idada ay leedahay barashada diinteena suubban.

Waxaa ka soo qayb galay xafladdaan marti sharaf kala duwan sida: xubno ka tirsan maamulka dawladda Puntland, Mu’assaadka dacawiga ah, culumo, salaadiin, waalid iyo marti kale.

Waxaa ka hadlay xafladdaan maamulka jaamacadda bariga afrika, waxa uuna sheegay in uu ku faraxsanyahay intaas ardey tiro le’eg in ay kasoo qalin-jabsheen machadka, waxa kale oo maamulka jaamacadu sheegay in ay ku deeqi doonta labada ardey ee ugu sareeya mac-hadka waxbarasho lacag la’aan ah (FREE).

Suldaan C/qani Qorone ayaa ka mid ahaa marti sharaftii ka hadashay xafladaas, waxa uu suldaanku tilmaamay inay tahay wax lagu farxo xafladaan, maadaama ay beeninayso in badan reer galbeed ku andacooda Xuquuqdii Dumarkaa Lalunsaday, maadaama ardeyda qalin-jabinaysay ay ka koobnaayeen saddex meelood labo meel dumar, waxa kale oo uu suldaanku tilmaamay in baridda hooyooyinku ay tahay wax muhiim ah.

Gudoomiyaha guud ee mu’asasada Al-Minhaaj Maxamed C/laahi C/lle , ayaa asna ka sheegay xafladaas in ay mu’asasadu u heellan tahay mar kasta faafinta diinta iyo dacwada, barashada diintuna ay ka mid tahay waxa ay mu’asasadu diyaar u tahay ku garab galkeeda cid kasta oo wadda, waxa uuna tilmaamay in machadka Khadiija kamid yahay macaahidda ugu sareeya kuwa ku yaalla deegaamada Puntland nidaam ahaan iyo tayo ahaanba, sidoo kale gudoomiyuhu waxa uu ka yaboohay in ay mu’asasadu siin doonto machadka Khadiija lacag dhan $1000 (kun dollar) abaal marin ahaan, iyo inuu machadka kasoo baxay waajibaadkii ka saarnaa dhanka bulshada ee ahaa inuu u gudbiyo waxbarasho tayo leh.

Gudoomiya raabidada isku xirta macaahidda Somalia Sheekh Axmed C/samad, ayaa asna xafladaas ka muujiyey dareenkiisa iyo in uu ku faraxsanyahay ardey intaas tiro le’eg oo soo baratay cilmiga sharciga ah, waxa uu sheekhu tilmaamay in ay bartaas kasii wataan waxbarashadoodii, ayna ku biiraan jaamicaadka ama waxbarashada heerka sare.

Gudoomiyaha guddoonka waxbarashada gobolka nugaal iyo agaasimaha tacliinta waaxda sare ayaa ka soo qayb galay xafladaan, si ay ula wadaagaan ardeyda qalin jabinaysa farxadda iyo raynraynta.

Ardeyda qalinjabinaysay ayaa gaba gabadii xafladda u qaybiyey jaa’isooyin dhamaan macallimiinta machadka Khadiija, sidoo kale maamulka machadka ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey ardeydii keentay darajaadka sare iyo ardeydii ugu firfircoonaa dhanka maamulka ardeyda iyo dhanka dacwada.

no images were found

Nuur Jaamac Aadam
Mu’asasada AL-Minhaaj Puntland
Xafiiska Warfaafinta

 

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online