Xafladii xilwareejinta iyo daahfurka dhismaha cusub ee Machadka Imaamul-Bukhaari Galdogob.[Masawiro]

November 3, 2015 - Written by Editor

12191631_1025172144206166_7611210359820303489_nGaldogob:-Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay ayaa usbuucii dhawayd ka dhacday dhismaha cusub ee Machadka Imaamul-Bukhaari ee magaalada Galdogob ee gobolka Mudug taasoo looga gol lahaa soo dhawaynta maamulaha cusub Sh.C/laahi Cali Ugaas iyo sagootinka maamulihii hore Sh.Maxamuud Cabdi Sahal, islamarkaasna lagu daahfurayey dhismaha cusub ee Machadka.

Xaflada ayaa waxaa kasoo qayb galay guud ahaan qaybaha bulshada: sida culumaaudiinka, hogaanka dhaqanka, maamulka, ganacsatada, dhalinyarada iyo dadwayne aad u faro badan dhamaantoodna waxay ku nuuxnuuxsadeen ahmiyada machad kaani u leeyahay bulshada deegaanka iyo sida loogu baahan yahay in la garab istaago.

Gudoomiyaha raabidada macaahida shareecada Sheekh Axmed C/samad ayaa faahfaahiyey horumarka ay ku tilaabsadeen macaahida raabidadu ayagoo sanadkaan xubin buuxda ka noqday  iskuxirka guud ee macaahida diinta ee caalamul islaami oo dhan.

Dhismaha Machadka oo ah dhisme casri ah kana kooban labo dabaq ayaan reer Galdogob u kala harin dhismihiisa dal iyo dibadba waxaana ku baxay dhismihiisa ku dhawaad 200,000$ walina qaar dayn ahaan loo leeyahay, waxaana la filayaa inuu lafdhabar u noqdo faafinta diinta islaamka xag waxbarasho iyo xag dacwoba.

no images were found

Machadka Imaamul-Bukhaari
ee magaalada Galdogob

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online