Xarunta AL-UMMAH oo 66 Arday oo Quraanka dhamaysay Shahaadooyin lagu gudoonsiiyay.[Masawiro]‏

November 11, 2015 - Written by Editor

hgg66Waxaa habaynkii Axada 07/11/2015 lagu Qabtay Xarunta AL-UMMAH ee Lusaka- Zambia Xaflad Balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayna ka soo qayb galeen dad aad u tira badan oo kooban dhamaan Qaybaha Bulshada Jaaliyada, Xafladaas oo lagu maamuusayay 66 Arday oo Qur,aanka kariimkaa dhameeyay ardaydaas waxay isugu jireen Gabdho iyo wiilal, Gabdhaha ayaa ahaa 43 Gabdhood iyo 23 Wiil,

Waxaa Xaflada lagu Furay aayadaha Qur,aanka kariimka ah iyo wacdi isku xigay, Xaflada sanadkaan waxay u muuqatay Xaflad ka duwan xafaladihii lagu qaban jiray Xarunta marka laga fiirsho ka soo qayb galka iyo qaabka loo soo agaasimay oo aad u sareeyay iyo Ardayda oo soo bandhigay qiimaha iyo Tayada waxbarasho ee ay gaareen iyo waliba gabayo Af soomaali ah oo aad loola dhacay, dadkuna ay la yaabeen maadama ay arkeen arday wadankaan ku dhashay oo diintii iyo dhaqankiiba si fiican ugu dhagan,

Xaflada waxaa ka soo qayb galay marti Sharaf badan oo ugu horeeyay Safiirka Dawlada Federalka ee Somaliya Mudanae Mohamed Hassan Dawaare oo halkaas ka jeediayya hadalo muhiim ah oo isugu jiray mahadnaq, gubaabo iyo talooyinba ka dibna Ardayda Shahaadooyinka gudoonsiiyay sidoo kale waxaa meesha ka hadlay Madaxda Jaaliyada Somaliyeed ee Lusaka, Culumaaudiin, waalidiin iyo Indheergarad badan oo ka tirsan Jaaliyada Zambia.

Xafladu inta ay socotay waxaa mar kasta la soo dhex galinayay bandhigyo kooban oo ay ardaydu soo gudbinaysay kuna saabsan waxa ay barteen iyo wax ay ugu tala galeen Xaflada, sida Quraan Akhris, wacdi, Su,aalo diini ah,Gabayo, iyo Anaashiid Somali iyo Carabi isugu jirta.

Waxaa kaloo aan meesha ka maqnayn Warbixino ku saaban Xarunta Qaybaheeda kala duwan Sida iskuulka, Masaajidka iyo madrasadaba inakstoo ay Xafladaan marti galinteeda iyo qaban qaabadeedba ay lahayd Qaybta Dugsiyada Qur,aanka, waxaa warbixin guud ka bixiyay Xarunta iyo waxa ay qabato, Gudoomiyaha gudiga Fulinta Dacwada Lusaka Sh Abdiqaadir Abdulle Ali Ilwayn,

Sidoo kale waxaa Sanadkaan Xaflada ka soo qaby galay Wafdi Culus oo ka yimid Caasimada 2aad ee Zambia Ndola oo Lusaka u jirta 320Km una soo safray inay ka soo qayb galaan Xafldaas lagu casuumay, waxayna halkaas ka soo jeediyeen warbixino ku saabsan Gobolka ay ka yimaadeen iyo Madaarista ka jirta iyo xarumaha ay ku leeyihiin, waxaana wafdigaas u hadlay Sh Muxyidiin Cosbole iyo Sh Abdirahman Ahmed Ismail,

Gababadii Xaflada waxaa la gaaray Xilligii ay sugayeen ardayda maanta Xaflada loo dhigay iyo dhammaan ka soo qaybgalayaashu oo ahyd saacadii ardayda la gudoonsiinayay Shahaadooyinak Ardayda Quraanka dhamaysay,

Intaas ka dibna waxaa la guda galay Cashadii ay soo diyaariyeen Gabdhaha Dacawada Lusaka oo Qaban qaabada Xafladaan Qayb libaax ka qaatay,

no images were found

Xalflada ka dib ayay waalidiintii iyo caruurtii is dhex galeen ayagoo isu hambalyaynaya kuna balamay in dadaalka halkaas laga sii wado. Reer Lusaka ayaa xalay wajiyadooda waxaa ka muuqatay Farxad aad u wayn ayagoo isugu Hambalyaynaya Guusha ay gaareen Dhammaantood,

AL – UMMAH MUSLIM SOCIETY
Halgan.net ,Zambia

Leave a comment

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online