Xarunta Dhimir oo laga hirgeliyey‏ magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.[Masawiro/Video]

November 5, 2015 - Written by Editor

4Laascaanood:-Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa laga furay markii ugu horaysay xarun loogu tala gay in lagu daaweeyo dadka qaba Xanuunada Dhimirka . Xaruntaan ayaa waxaa iska kaashanaya Hay’adda Daryeel Foundation iyo Ururuka Xirfadlayaasha Caafimaadka gobolka Sool.

Hay’adda Manhal oo iyadu ku deeqday dhismaha xarunta ayaa waxaa gacanta ku hayn Doona Ururka Xirfadlayaasha Caafimaadka ee gobolka Sool , waxaana ay maal gelin doonto Hay’adda Daryeel Foundation oo ah Hay’adda ka shaqaysay hawlaha dadka dhimirka qaba.

Dhinaca kale , Masuuliyiinta Ururka Xirfadlayaasha ayaa kala wareegay masuuliyada dhismahada iyo hawsha xarunta dhimir ka Laascaanood.

Ugu danbayntii , Sh. C/Naasir Xaaji Axmed oo ka qayb ka ahaa dardar geinta hawshan ayaa ugu baaqay bulshada gobolka Sool inay ka qayb qaataan hirgelinta xaruntani , isagoo uga mahad naqay Hay’adda Daryeel Foundation iyo Ururka Xirfadlayaasha hawshan ay u kaceen hirgelinteeda.

Arrintan ayaa la filayaa inay buuxiso boos weyn oo ka banaanaa bulshada gobolka Sool, iyadoo waayadaan ay dadku ku dhibanaayeen daawaynta dadka qaba xanuunada dhimirka qaba iyadoo loo qaadi jiray magaalooyinka Hargeisa iwm .

no images were found

Hoos ka Daawo xarunta Dhimir oo laga hirgeliyay‏ magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool


En Mawliid Isma Haradigeed
Laascaanood, Somalia

Leave a comment

*

Archives
November 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online