Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo u geeriyooday dhaawacii soo gaaray
November 7, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa koox hubaysan ayaa weerar la beegstay Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan xili uu ku sii jeeday xarunta Golaha wakiilada ee dowladda Federaalka Soomaaiya xili uu marayey Bacadlihii hore ee Xamar weyne waxaan Xildhibaanka ka soo gaaray weerarkaas dhaawac culus.
Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan ayaa waxaa dhaawaciisa la gaarsiiyey isbitaalka Madiina si halkaasi loogu daaweeyo balse markii dambe ayuu u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray weerarka. Wasiirka warfaafinta ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa u xaqiijiyey geeriyada Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan.
Weerarka lagu dilay Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan ayaa waxaa ku soo beegmayey maalmo ka dib markii ururka Al-shabaab ay weerar ay ku qaadeen Hotel Saxafi ayna ku dileen Xildhibaan , Saraal ka tirsanaan jiray Ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya halka saraakil kalena ay soo gaareen dhaawacyo kale duwan.
A/cawaale
Halgan.net