Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo Ergayga cusub u soo magacaabay Soomaaliya
November 24, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa waxaa uu ergay cusub u soo magacaabay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, ergaygaan cusub ayaa waxaa uu bedeli doonaa ergaygii hore xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM Nicholas Kay.
Ergayga cusub ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa waxaa loo magacaabay Michael Keating oo u dhashay dalka Ingiriiska wuxuuna qabanayaa xilka wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo madaxa xafiiska UNSOM.
Wakiilkii hore xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM Nicholas Kay ayaa waxaa xilka uu ku magacaabnaa uu ka dhamaanayaa sanadkaaan 2015.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa u mahad celiyay Wakiilkii hore xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM Nicholas Kay isagoo ku amaanay dadaalkii in uu ku bixiyey shaqadii uu ka hayey Soomaaliya 2-dii sano ee uu xilka uu ku magacaabnaa.
Ergayga cusub ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa ah shaqsi ka soo shaqeeyey dalal dhowr ah oo Afrikaan ah oo ay dagaalo iyo colaado ay ragaadiyeen waxaa kale oo ka soo shaqeeyey dalka Afghanistaan.
A/cawaale
Halgan.net