Dhaarinta Xildhibaanada 2-da gole ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka dhacday Muqdisho
December 27, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa saaka si rasmi ah ugu bilaabtay magaalada Muqdsho ee caasimada Soomaaliya dhaarinta Xildhibaaada labada qole ee Aqalka Hoose iyo kan sare, waxaan goobta lagu dhaarinayo Xildhibaanada ku suganaa Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya , Xassan Sheekh Maxamuud ,Ra’iiusl wasaaraha Cumara Cabdrashiid Cali Sharmaake , gudoonka Baarlamaanka , xubno ka mid ah beesha caalamaka iyo Madxada maamul gobolleedyada.
Marki la soo gabagabeeyey xafladii dhaarinta Xildhibaanada labada aqal ayaa waxaa Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya ay doorteen 2 shir gudoomiye oo iyagu ah uwa ugu da’weyn Xildhibaanada labada gole waxaa la kala doortay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa noqday xildhibaanka ugu da’da weyn aqalka hoose ee Baarlamaanka oo si u meel gaar u haynaya xilka iyo Maxamed Xassan Raage oo loo doortay Aqalka sare.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in la doorto mudo labo usbuuc ah ka dib. Amaanka guud ee xaafadda Magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana goob badan la dhgay ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net