Guddiga Madax Banaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo 11 kursi dib u celiyey
December 14, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Guddiga Madax Banaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey ilaa 11 kursi oo la laalay oo dib loogu noqonayo oo ka mid ahaa xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka ee dowladda Federaalka Soomaaaliya. Guddiga Madax Banaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa xusay ka dib baaritaan la sameeyey iyo caddeymo la helay ay Guddiga Madax Banaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ay go’aamiyey in lagu laabto doorashada 11 kursi oo ka mid ah 67 kursi oo cabashooyin ay ka yimaadeen.
Hoos ka Daawo warsaxaafadeed ka soo baxay Guddiga Madax Banaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka. no images were found
A/cawaale
Halgan.net