Gudoomiyaha degmada Qandala oo laga waraystay xaalada degmada Qandala.[Dhagayso]
December 9, 2016 - Written by EditorQandala:-Gudoomiyaha degmada Qandala Maxamuud Jaamac Khuurshe, oo waraysi gaar ah oo uu siiyey Radio Daljir ayaa waxaa uu uga waramay xaalada guud ee degamada Qandala ka dib markii ay ciidamada Puntland ay dib ula wareegeen magaalada maalin ka hor, Gudoomiyaha Jaamac Khuurshe ayaa sheegay in kooxda Daacish ay bur bur u geysteen xarumahii dowladda , Isbitaalkii Hooyadda iyo Dhalaanka, xaruntii dowaladda Hoose, Saldhigii Booliska, Haamihii keydka biyaha lagu keydin jiray , guryo iyo hanti kale.
Gudoomiyaha degmada Qandala Maxamuud Jaamac Khuurshe, ayaa xusay in ay ciidamada Puntland ay weli howl gal ka wadaan buuraha ku teedsan degmada Qandala oo koox ka mid ah Daacish ay weli u sugan yihiin.
Hoos ka Dhagayso waraysiga Gudoomiyaha degmada Qandala Maxamuud Jaamac Khuurshe
M_M_Deeq
Halgan.net