Jubaland oo soo bandhigtay rag ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay.[Daawo Video]
December 25, 2016 - Written by EditorKismaayo:-Maamul gobaleedka J/land ayaa waxaa ay ku soo bandhigeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose rag ka tirsan kooxda Al-Shabaab waxaana ay ragaas ka warbixiyeen sababaha ay uga soo baxeen kooxda Al-Shabaab. Raggan ka soo goostay kooxda Al-Shabaab ayaa ku eedeyey Al-Shabaab daadinta dhiiga Muslinka iyo dhaca hanti shacabka.
Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ragga isa soo dhiibay ay ka mid ahaayeen madax ka tirsan waaxda maaliyada Al-Shabaab. Hogaanka Danbi Baarista iyo nabadsugida Jubaland G/sare Ahmed Warsame ayaa isna la hadlay warbaahinta waxaana uu faahfaahin ka bixiyey raga ka tirsan Al-Shabaab ee isku dhiibay J/land.
Hoos ka Daawo raga ka soo goostay Al-Shabaab ee isku dhiibay Maamulka J/land.
Dhinac kale Ciidamada Amaanka Jubaland oo markale maanta soo bandhigeen Afar askari oo ka tirsaneyd Al-shabaab oo iygaa ka soo goostay waxaan ay sheegeen in ay sababta ay uga soo baxeen ay tahay dadka shacabka ah oo xoog looga qaadayo xoolaha iyo lacago lagu magacaabay Zakawaat.
Hoos ka Daawo Ciidamada Amaanka Jubaland oo markale soo bandhigeen Afar askari oo ka tirsaneyd Al-shabaab
M_M_Deeq
Cabdi Yare
Kismaayo
Halgan.net