Sh Saciid Cismaan (Saciid Qalinle ) oo caawa lagu dilay Muqdisho
December 3, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasumada dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in caawa lagu dilay magaalada Muqdisho allaha u naxariistee Sh Saciid Cismaan (Saciid Qalinle ) oo ka mid ahaa culumada ducaada iyo ganacsatada ugu firfircoon magaalada Muqdisho.
Sh Saciid Cismaan (Saciid Qalinle ) ayaa waxaa la dilay salaadii Maqrib ka dib waxaana lagu dilay inta u dhexeysa Masjidka uu ku soo tukaday iyo xaafadiisa .
Dhamaan bahda Halgan.net ayaa waxaa ay tacsi gaar ah u dirayaan dhamaan qaraabada iyo ehelada Sh Saciid Cismaan (Saciid Qalinle ) waxaana alle uga baryeynaan walaalkeen Sh Saciid Cismaan (Saciid Qalinle ) in janatul fardooso galiyo. Aaamiin.
Maamulka Halgan.net
Muqdisho