Taliyaha ciidanka Badda Puntland PMPF oo laga waraystay dagaal ka dhacay duleedka degmada Qandala.[Dhagayso]
December 18, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Wararka ka naga soo gaaraya degmada Qanadala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in uu dagaal xoogan uu ka dhacay,meel la yiraahdo Ladiid oo ilaa 30KM dhinaca koofur kaga beegan degmada Qandala dagaalkaas oo u dhexeeyey Ciidamada Puntland iyo Daacish. Taliyaha Guud ee Ciidanka Badda Puntland PMPF Admiral Cabdirsaaq Diiriye Faarax oo la hadlay idaacadda SBC ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay dagaal ku qaadeen goob ay Saldhig u ahay kooxda Daacish dhaawac iyo dhimashana ay u geysteen.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Badda Puntland PMPF Admiral Cabdirsaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay n dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish ay sii wadi doonaan gob walba oo ay ku ogaadaana ay weerar ku qaadi doonaan.
Dhinac kale Taliyaha Guud ee Ciidanka Badda Puntland PMPF Admiral Cabdirsaaq Diiriye Faarax oo ka hadlay xaaladaqandala ayaa sheegay in ay fiiacan tahay dadkii horay uga qaxay magaalada ay hadda ku soo noqdeen ciidanka Puntland ay joogi doonaan.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Ladiid iyadoo goobta lagu dagaalamayey ay tahay Buuraley in xog rasmi ah la helaan ay aad u adag tahay.
Hoos ka dhagayso waraysiga SBC la yeelatay Taliyaha Guud ee Ciidanka Badda Puntland PMPF Admiral Cabdirsaaq Diiriye Faarax
[audio: http://allsbc.com/sbcon/wp-content/uploads/2016/12/Taliyaha-Ciidamadda-PMPF-WAREYSI.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net