Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dawladda Puntland oo Si Diiran loo lagu soo Dhoweeyey Degmada Badhan.[Masawiro]

November 22, 2017 - Written by Editor

Badhan:-Agaasimaha Warfafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 22 Nov 2017 safar shaqo ku gaadhey degmada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaasi si diiran loogu soo dhoweeyey Agaasimaha iyo weftigiisaba.

Agaasime Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo weftigiisa ayaa waxaa degmada Badhan ee gobolka Sanaag kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon, Duqa degmada Badhan Cabdirisaaq Axmed Ciise, Isu-duwayaasha gobolka ee Wasaaraddaha Waxbarashada, Caafimaadka, Degaanka, Haaweenka, Xanaanada Xoolaha iyo caddaaladda, taliyaha Booslika gobolka Sanaag iyo qaar kamid ah shacabka magaaladaasi.

kahor inta aanay soo gaadhin weftiga uu hormuudka u ahaa Agaasimaha Warfafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa waxa ay soo kormeereen dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo taas oo dhismeheedu u jiro wax ka yar 20Km magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Agaasime Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa ugu horayn shacabka magaalada Badhan iyo masuuliyiinta gobolka iyo degmada uga mahadnaqay soo dhoweynta diiran ee ay ku qaabileen isaga iyo weftigiisa , waxaana uu tilmaamay Agaasimuhu in todobaad kahor uu gobolka u yimid hawlo shaqo xiligaas oo ay isku day faragelin la damacsanaayeen gobolka maamulka Soomaaliland .

Sidoo kale Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo ka hadlay muhiimadda safarkiisa ayaa sheegay in dhowaan xukuumadda dawladda Puntland ee uu hogaaminayo Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas gobolka ka hirgelindoonaan todoba saldhig kuwaas oo dhismohooda laga dhagax dhigidoono todoba magaalo oo kamida gobolka, isla markaana Afartii ugu horeeyey maalinimada berrito uu dhagax dhigi doono Agaasimuhu iyo sidoo kale sadax magaalo oo iyana kamida gobolka ayaa laga hirgelindoonaa ‘MCH’ goob Hooyada iyo Dhalaanka ah.

“Maanta waxaan idiinku bushaaraynayaa inaan idiin wadno oo xafiiska Madaxweynuhu ka fulin doono gobolka todoba saldhig, kuwaas oo laga fulindoono todoba magaalo oo kamidda gobolka oo afartii ugu horeeyey berrito aan dhagax dhigidoono dhismohooda, sidoo kale sadex goobood oo Hooyada iyo Dhalaanka lagu xanaanayndoono iyana laga samayn doono sadex magaalo oo kamid ah gobolka” ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashiid Yuusug Jibriil Cawl.

“Laba weji baan ka dhigi doonaa shaqada, midi berri buu bilaabmayaa wuuna dhamaystiran yahay qorshihiisu, muddo kooban oo kayar 45 cisho ayaanu rabnaa inaanu kusoo gebagebayno madaama ay ka dawlad ahaan dhankayaga aan waxba nagu qabyo ahayn, magaalooyinkaas waxaa ugu horeeya Magaalada Hadaaftimo, Yube, Damala-Xagare iyo Xingalool Afartaas qorshaha dhagax dhiggooda waxaanu kusoo afmeeri doonaa muddo afar cisho ah” ayuu yiri Agaasime Abwaan Abdirashiid Yuusug Jibriil Cawl.

no images were found

Dhinaca kale Agaasimaha ayaa xusay in magalooyinka wejiga labaad laga hirgelindoono Saldhigyada Booliska ay kala yihiin Carmale, Dawaco iyo Ceelbuh, waxaana iyana qorshaha labaad ku jirta hirgelinta sadex goobood oo ‘MCH’ ah kuwaas oo laga hirgelindoono magaalooyinka Yubbe, Hadaaftimo iyo Dama-laxagare.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon iyo duqa degmada Badhan Cabdirisaaq Axmed Ciise ayaa iyana dhankooda xusay in xukuumadda dawladda Puntland ay gobolka kawado kana hirgelisey mashriic horumarineed kuwaas oo waxtar u leh shacabka gobolka Sanaag iyo guud ahaanba dawladda Puntland, waxaana ay hoosta ka xariiqeen in masriicdaa ay kamid yihiin Waddada Ceel-daahir-Caarigoobo, ceel biyoodyo tiro badan iyo dayactirka garoonka diyaaradaha Magaalada Badhan, isla markaana waxaa ay Madaxweynaha Puntland iyo guud ahaan dawladda Puntlandba uga mahad-celinayaan hirgelinta siyaasaddooda ku aadan kaabida gobolada ka fog laamiga.

Ugu danbayn, Agaasimaha Warfafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa waxa uu kubooriyey guud ahaan shacabka gobolka Sanaag inay gacmaha is qabsaadaan si ay uga gungaadhan wax kasta oo ay ku horumarin karayaan gobolkooda.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online