Ciidanka Amniga Puntland PSF oo howl gal ciidan ka fuliyey Buuraleyda deegaanada Dhadhaabo iyo Ceeldibir.[Masawiro]

November 26, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidanka Amniga Puntland PSF ee sida gaarka ah ah u tababaran ayaa shalay waxaa ay hawlgal ka dhan ah ururka Al Shabaab ay ka fuliyeen Buuraleyda deegaanada Dhadhaabo iyo Ceeldibir ee Buuraha Cal Madow.

Ciidanka Amniga Puntland PSF ayaa waxaa ay howl galkaan ku qabteen 4 nin oo lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysta Buuraha Cal Madow ayna u qaabilsan yihiin gudbinta sahayda iyo raashinka, kuwaas oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Puntland lana marsiin doono baaritaano.

Sidoo kale Ciidanka Amniga Puntland PSF iyo kuwa PMPF waxaa ay howl gal ka dhan ah ururka Daacish ay ka fuliyeen Buuraha Cal Miskaat ee Gobolka Bari waxaan ay ku burburiyeen agab kale duwan iyagoona gacanka ku dhigay saldhig ay maleeshiyaadka Daaicsh ay ku keydsan jirteen raashinka iyo qalabka lagu sameeyo walxaha qarxa.

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) oo ay weheliyaan ciidamada Badda Puntland (PMPF) iyo ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa shaaciyey usbuucii la soo dhaafay in ay soo geba-gebeeyeen hawlgallo dagaal oo ka dhan ah ururka Daacish oo ay afartii maalmood ee la soo dhaafay ka wadeen Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari, gaar ahaan aagga deegaanada Canjeel, Dhaadaar, Dhasaan, Buq, Toox iyo Bohol ee u dhexeeya Balidhidin iyo Qandala.

Taliska ciidanka Amniga Puntland PSF iyo kuwa PMPF ayaa sheegay in ay sii wadi doonaa howl galka ay uga hor tagayaan in ururka Al-shabab iyo Daacish si aysan saldhigyo uga sameysan dhulka buuraleyda ah ee Gobolka Bari iyo deegaanada Puntland waxaan ay maalmo ka hor la geeyey degmada Jariiban ee Gobolka Bari cidamo ka tirsan kuwa Badda ee PMPF si ay u sugaan nabadgelyada xeebaha Gobolka Mudug.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online