Guddoomiyeyaasha Golaha shacabka Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiis kala saxiixday (Masawiro)

November 3, 2017 - Written by Editor

Guddoomiyaha Golaha shacabka Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Suudaan ayaa heshiis wada shaqeyn Labada Baarlamaan ku kala saxiixday Caasimada dalka Suudaan ee Khartuum.

Heshiiska ay wada saxiixdeen Gudoomiyaha golaha shacabka ee JFS iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Suudaan ayaa ku saleysan wada shaqeynta labada Dowladooda ee Soomaaliya iyo Suudaan gaar ahaan labada Baarlamaan.

Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaan sheegay in heshiiska uu ka kooban yahay Sagaal qodob oo xoojinaya wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan.

Qodobada labada Gudoomiye ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in labada dhinac ay is dhaafsdaan qubaro dhinaca sharciga, in ay xiriir iyo iskaashi gaar ah yeeshaan xubnaha labada Baarlamaan u matalaya baarlamaanada aduunka iyo sidoo kale in dhinaca aqoonta la iska kaashado.

——– Dhamaaad—-

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online