Mu’asasada Safa Mu’asasada Safa oo 45 Dhaawaca & 38 Agoona lacago siisey.(Masawiro+ Vedio)
November 16, 2017 - Written by Editor
Muqdisho:-Mu’asasada Safa ee Dacwada & Hormarinta oo 45 Dhaawaca & 38 Agoona lacago siisey. Waxaa wali socda gurmadka loo fidinayo dadkii ku dhibaatoobey musiibadii Soobe, oo dad & hanta badan ku baaba’een.
Mu’asasada Safa ee Dacwada & Hormarinta oo qeyb ka ah dhinacyada gurmadka wada ayaa maanta lacago siiyey 45 Dhaawaca & 38 Agoona.
35 ka mida dhaawaca, waa kuwii Turkey-ga loo qaadey oo qaarkood dalka dib loogu soo celiyey & qof Turkey-ga ku dhintey oo ehelkiisa samir siin loo siiyey lacagta. Qof walba oo dhaawaca ka mida waxaa la siiyey lacaga $1,000.
Sidoo kale 38 ka mida agoonta, abaayashood ku waayey musiibadii dhacdey ayaa iyana lacago la siiyey. agoonta iyana waxaa la siinayey min $300.
Lacagta oo dhameyd $62<391 waxey gudiga gurmadka Safa kasoo gaadhey Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalooyinka 1- Västerås, 2- Jakobsberg, 3- Stockholm ee Dalka Sweden.
[ngg_images source=”galleries” container_ids=”2422″ display_type=”photocrati-nextgen_basic_thumbnails” override_thumbnail_settings=”0″ thumbnail_width=”600″ thumbnail_height=”800″ thumbnail_crop=”1″ images_per_page=”200″ number_of_columns=”0″ ajax_pagination=”0″ show_all_in_lightbox=”0″ use_imagebrowser_effect=”0″ show_slideshow_link=”0″ order_by=”sortorder” order_direction=”ASC” returns=”included” maximum_entity_count=”500″]
kulanka lacag bixinta waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiinta gudiga gurmadka Safa & Xubno ka socdey Jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden.
Muqdisho 26 Safar 1439
16 November 2017
وبالله التوفيق
Gudiga Gurmadka Mu’asasada Safa ee Dacwada iyo Horumarinta .

.gif)

