Mu’asasada Safa oo lacag gudoonsiiyey 200 ku agoontoobay Qaraxii Soobe(Masawiro)

November 5, 2017 - Written by Editor

Mu’asasada Safa ee Dacwada & Hormarinta oo kaashaneysa Jaaliyada Soomaaliyeed ee South Africa ayaa maanta kaalmo lacageed gudoonsiiyey 200 Agoon oo ka kala socdey 70 Qoys oo ka mida dadkii musiibadu kasoo gaadhey dhacdadii Soobe ee 14-kii bishii October ee na dhaaftey.

Agoon walba waxaa la gudoonsiiyey lacag $300 Dollar, taas oo loogu tala galey iney kaabid u noqoto Nolasha & Waxbarashada Agoonka muddo 6 bilood ah.

Agoonta maanta kaalmada lacageed la gudoonsiiyey waxaa ka mida kuwo isku darsadey rajanimo & agoon.

Deeqdan oo ku dhaweyd $70,000 waxaa Agoonta soo gaarsiiyey jaaliyada Soomaaliyeed ee South Africa ooy wakiil uga ahaayeen:

1- Sh. Maxamuud Maxamed Adar

2- Xaaji Caynte Cusmaan

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socdey gudiga Qaran ee gurmadka musiibadii dhacdey, Culima’udiin, ganacsato, Maamulka cusub ee Safa & marti sharaf kale.

Dhamaan xubnihii goobta ka Hadley ayaa bogaadiyey kaalmeynta Agoonta abayaashood ku waayey mudiibadii dhacdey, waxaa sidoo kale la booriyey in lasii wado gacan siinta Qoysaska & Agoonta faraha badan ee musiibadii dhacdey ay saameynta balaaran ee naf & maalba leh ku yeelatey.

Muqdisho 15 Safar 1439 05 November 2017

وبالله التوفيق

Gudiga Gurmadka Mu’asasada Safa ee Dacwada iyo Horumarinta .

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online