Senetor Cabdi Qeybdiid oo ku eedeeyey weerarka lagu qaaday hoygiisa Imaaraadka (Daawo)
February 3, 2018 - Written by EditorGuddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Jen Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maanta waxaa uu ku qabtay magaalada Muqdisho Shir jaraa,id isaga uga hadlay weerar lagu soo qaaday guriga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho.
Jen Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa u sheegay warbaahinta in weerarka lagu soo qaaday hoygiisa ay ka danbeeyeen ciidamo ay tababaraan saraakiil ka socota dalka Imaaraadka oo ay xarun u tahay Dugsiga Tababarka Jen. Gordon .
Senetor Cabdi Qeybdiid oo sheegay inuu ka badbaaday Isku-day dil Cabdi Qeybdiid ayaa yiri “Weerarkii lagu soo qaaday gurigeyga 30 bishii December 2017 waxaa la rabay in la igu khaarijiyo, Ciidamadana waxaa laga soo diray Dugsiga Tababarka Jen. Gordon oo ay dowlada Imaaraadka maamulsho waxaana weerarka gacan ku siiyey ciidanka Nabadsugida ee Gobolka Banaadir ”
Senetor Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in saraakiisha soo amartay ciidamadii soo weeraray hoygiisa aan wali waxba laga qaban,waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya arinkan wax ka qabtaan .
A/Cawale
Halgan.net