Wasiirada Amniga iyo Wasiirka Dekadaha ee Puntland oo kormeeray Dekadda Boosaaso (Video)
February 12, 2018 - Written by EditorWasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf ayaa kormeer ku tegey Dekedda macmalka ah ee Bosaaso oo dhismeheedu socdo waxaa ku weheliyey Wasiirka Dekedaha ee Puntland Siciid Maxmed Raagge Maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmada Bosaaso.
Wafdi wasiirka Amniga ayaa waxaa uu soo indha indheeyay sida ay u socoto shaqada gabogabada ah ee lagu dhisayo Dekedda Macmalka ah iyo hawlaha samataxbitinta Hantida saaran doonida Xafiis oo habeenkii 8aad.
Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdulaahi Yuusuf ayaa waxaa uu ku amaanay bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso sida ay uga qeybqaateen Dhismaha ’ Dekedda macmalka ah ee degdega lagu dhisayl aguna badbaadiyey , Hantidii saarneyd Doonida Xafiis.
Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf ayaa sidoo kale ka hadlay falal amni daro ah oo todobaadkii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Bosaaso wuxuuna sheegay in amaanka magaalada Boosaaso uu sugan yahay fallalka ka dhacana ay ula siman yihiin wadamada waaweyn.
M_M Deeq
Halgan.net