Ciidamada Puntland ee (PSF)soo bandhigay 41 meyd oo ka mid ah kooxda Alshabab (Masawiro)
June 4, 2018 - Written by EditorBoosaaso:-Ciidamada difaaca Puntland ee (PSF) ayaa soo bandhigay 41 meyd oo ka tirsan kooxda Al Shabaab kuwaas lagu dilay hawlgal ay qaadeen kadib markii Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ay weerar gaadmo ahaa kusoo qaadeen fariisinka 20-aad ee Ciidamada Difaaca Puntland ,gaar ahaan deegaanka Bali-Khadar .
Saraakiisha Ciidamada PSF-ta ayaa sheegay in dagaal ay ku qaadeen kooxda Al-Shabaab kuwaas oo ku dhuumanayey Togga Maraje waxay sheegeen in ay ka dileen 41 kana dhaawaceen 32 askari oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
no images were found
Ciidamada difaaca Puntland,,ayaa soo bandhigay Masawiro iyo xogta khasaaraha ay gaarsiiyeen kooxda Alshabaab
Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan kooxda Al Shabaab oo ka hadlay 41 meyd ay soo bandhigeen ciidamada Puntland gaar ahaan kuwa PSF-ta. Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay in dagaalka ay ku qaadeen deegaanka Bali khadar ay khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada Puntland.
Ilaa hada ma jiraan ilo ka madax banaan ciidamada puntland ee PSF-ta iyo Al-Shabaab oo xaqiijinaya guulaha ay kala sheeganayaan
C/Casiis Maxamed
Halgan.net