Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy oo ku wajahan dalka Kenya
March 5, 2019 - Written by EditorMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaw u ambabaxaya magaalada Nayroobi halkaas oo ay wadahadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.
Wadahadalladii u socday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa goor dhaw soo gabagaboobay, waxayna isla garteen in soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka.
Wadahadalladii ay madaxdu yeesheen gelinkii
hore ee maanta ayaa waxaa la isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada
dowladood iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka si loo
abuuro jawi ganacsi iyo maalgashi oo waxtar u leh shucuubta gobolka.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale
isla gartay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolku yeeshaan
wadashaqayn xooggan iyo in arrimaha diblomaasiyadeed lagu xalliyo
isfaham iyo wadahadal.
Madaxda labada dal ayaa ka wada
hadlay sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa Dowladda Federaalka
Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland si loo xoojiyo midnimada dadka
Soomaaliyeed.
Labada dhinac ayaa ugu danbayntii isla
meeldhigay iskaashiga dhinaca Amniga ee dalalka gobolka iyo
dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo u taagan
gumaadka shacabka aan waxba galabsan iyo curyaaminta dowladnimada
Soomaaliyeed.
——–DHAMMAAD——–