Maamulka Jubbaland oo ku dhawaaqday in Kismaayo laga xiray Cir, Dhulka iyo Badda (Akhriso).
August 20, 2019 - Written by EditorKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubaland ayaa sheegaya in Shir ay isugu yimaadeen Guddiga Amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray warmurtiyeed khuseeya dhanka Amniga magaalada Kismaayo inta lagu guda jiro doorashada Madaxweynaha Jubbaland.
Guddiga Amniga Jubbaland ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 20-ka bisha Agosto in laga xiray Kismaayo xuduudaheeda sida Badda, Cirka, Badda iyo Dhulka, iyadoo aan magaalada la geli karin inta lagu guda jiro doorashada.
A/Cawale
Halgan.net