Madaxweynayaashi Hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo u hambalyeeyay Axmed Madoobe
August 22, 2019 - Written by EditorMadaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa waxay Hambalyo u direen Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ka dib doorasho saaaka ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubaland .
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “Waxaan u hambalyeeynayaa Madaxweynaha la doortay Md. Axmad Madoobe, Waxaan leeyahay xilka Ilaahey ha kula garab galo. Noqo kii bulshada reer Jubaland usii horumariyo una dhammeystiro baahidooda ay ugu horreyso Amniga” qoraalkan ayaa waxaa uu ku qoray bartiisa Twitterka.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee KMG Shariif Sheekh Axmed ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu yiri “Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Waxaan ka rajeynayaa in muddada afarta sana ee la doortey inuu wax badan ka qabto horumarka deegaanka, uuna mudnaanta koowaad siiyo Amniga iyo dib udhiska Jubaland”
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka Jubbaland inay gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan horumarka iyo dhismaha maamulka Jubaland si qeyb uga noqdaan geedi socodka dib u dhiska dalka iyo Federaaleynta
A/Cawale
Halgan.net
.