Madaxweyne Deni oo sagootiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya
August 2, 2019 - Written by EditorGaroowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta Garoowe ka sagootiyey Guddoomiyaha Golaha Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo Puntland u yimid ka qeybgalka todobaadka Puntland iyo xuska 1-da August maalintii la’aasaasay Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Guddoomiye Mursal uga mahadceliyey imaanshihiisa Garoowe iyo inuu Dowladda Puntland iyo Shacabkeeda kala soo qeybglaay xuska 1-da August.
“Runtii Sharaf weyn bay noo ahayd inuu nagala soo qeybgalo isaga iyo Xildhibaanadii la socday iyo Aqalka sareba xafladdii dabaaldega 1-da August, Waan ku faraxsanahay muddaddii ay joogeen iyo sida ay noo soo sharfeen, waan jeclaan lahaa inuu nalasii joogo laakiin howlo shaqo oo jira inuu degdeg u baxo ayeey kaliftay, waxaa rajeynaynaa marar kaleeto oo badan Guddoomiyaha iyo Xildhibaanadu ay soo noqon doonaan” Ayuu yiri Madaxweyne Deni .
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa Dowladda Puntland iyo Shacabkeeda uga mahadceliyey sida loo soo dhoweeyay, Guddoomiye Mursal ayaa sheegay inay sharaf iyo karaamo u aheyd inuu kasoo qeybgalo sanadguuradii 21aad ee kasoo wareegatay aasaaska Puntland.
DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND