Puntland oo u hambalyeysay Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaan.
August 22, 2019 - Written by Editor![](https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2019/08/69160848_713408242406032_4470443544997265408_n.png)
Garoowe:- Warmurtiyeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Puntland ay hambalyeysay Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaan.
Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo doorasho maanta ka dhacday Kismaayo markii 3aad loogu doortay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.
![](https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2019/08/1-3.jpg)
M_M Deeq
Halgan.net