Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo Sheegay in uu Tanaasulay gogalna uu fidiyey (Daawo)
August 25, 2019 - Written by EditorMadaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul iyo Cabdiqani Cabdirahmaan Khaliif oo kamid ah Siyaasiyiinta ka aragtida duwanaa Madaxweynaha Xiligii Doorashooyinka hadana u istaagay sidii kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed xal looga gaari lahaa loona adkayn lahaa midnimada iyo wadajirka Bulshada.
Madaxweynaha ayaa xubnahan ka dhagaystay aragtidooda la xidhiidha sidii horay loogu sii socon lahaa loona ilaalin lahaa Midnimada iyo nabadgalyada dalka.
Madaxweynahu wuxuu balan qaaday in uu albaabada u furayo dhamaan dadka ree Jubbaland oo uu u istaagayo sidii uu u hogaamin lahaa Jubbaland Mid ah oo dhamaan dadku ay iska dhex Arkaan wadatashi iyo Midnimana ay sal u tahay.
Xigasho Tv-ga Jubaland
Halgan.net