Xildhibaano ka tirsan 2-da Gole ee Baarlamaanka oo gaaray Kismaayo

August 14, 2019 - Written by Editor

Kismaayo:-Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaadhay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland si ay ula socdaan howlaha doorashooyinka Jubbaland.

Xildhibaanadan ayaa sheegay inay halkan u yimaadeen la socodka Shaqada doorashada Jubbaland iyagoo ka digay in faro galin lagu sameeyo howlaha socda waxaa ay u mahad celiyeen Gudiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka shaqada adag ee ay hayaan.

Dhinaca kale Guddiga madaxa bannaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa waxaa uu soo saaray jadwalka doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Hoos ka akhriso jadwalka doorashada oo ay Guddiga madaxa bannaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland soo gudbiyeen

A/cawale
Halgan.net

Comments are closed.