Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Baarlamanka horgeysay Miisaaniyadda sanadka 2020
November 19, 2019 - Written by EditorGaroowe:-Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda puntland ayaa maanta horgeeyay Golaha Baarlamaanka Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020 oo dhan $346,416,158.99.
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee tagay golaha Baarlamaanka waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda,Wasiirku xigeenka Maaliyadda,Wasiiru dawlaha Maaliyadda, Xisaabiyaha guud ee Dawladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo masuuliyiin kale.
Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa Golaha usheegay in madaxda Wasaaradda Maaliyadda wado miisaaniyada 2020.
Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa si qoto dheer ufaah-faahiyay habka Wasaaradda Maaliyaddu u soo diyaarisay miisaaniyada 2020.
Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa eegi doona Miisaaniyada 2020 ay soo diyaariyeen Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu.
Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland oo uu Shir guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda maanta la horgeeyay Golaha Baarlamaanka.
no images were found
Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland