Baarlamaanka Puntland oo Xasaanadii ka qaaday Cabdixakiin Maxamed Dhoobo -Daareed

December 10, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Baarlamaanka Puntland ayaa maanta xasaanadii xildhibaanimo waxaa uu ka qaaday guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-Daareed), kadib markii laga keenay Mooshin ka dhan ah .

Golaha Wakiilada dowlada Puntland ayaa waxaa goobjoog ahaa markii loo codeynayey mooshinka ka dhanka ah Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-Daareed), 40 xildhibaan waxaana 39 xildhibaan ay cod gacan taag ah ugu codeeyay in xasaanada xubinimada laga xayuubiyo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland kaas oo ay ku soo eedeeyeen kala qeybinta midnimada iyo jiritaanka Puntland

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-Daareed) ayaa isbuucii hore ka dhoofay magaalada Garoowe waxaana uu haatan ku sugan yahay dalka Ethiopia gaar ahaan magaalada Adis Ababa waxaana uu uga sii gudbi doonaa magaalada Muqdisho .

Barlamaanka Puntland ayaa horey xilkii uga qaaday Cabdixakiin Dhoobo-Daareed kadib markii lagu eedeeyay eedeeymo kala duwan kuwaas oo uu dhamaantood iska fogeeyey .

M_M Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
December 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online