Madaxweynaha Jubbaland oo weli wada la xisaabtan ka Hay’addaha dowladda.[Masawiro]

December 22, 2019 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Wali ku guda jira isla Xisaabtanka Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowlada Jubbaland.

Maanta waxaa Madaxweynahu uu isla Xisaabtan ku sameeyay shaqada Wasaarada Arimaha gudaha ee Sanadkii lasoo dhaafay iyo qorshaha Sanadka soo socda ee 2020ka iyadoo Wasaaradu ay soo bandhigtay qorshayaasha hortabinta u leh shaqada Sanadka soo socda.

Waxaa Wasaaradu ay soo gudbisay in Soo celinta dadka qoxootiga ah ee kasoo laabanaya xeryaha qoxootiga dhadhaab ay Wali socoto inkastoo gaabis uu ka jiro dadkii sida iskood ah uga soo noqonayay halkaas.

Waxaa kale oo Wasaaradu ay sheegtay in gacanta lagu hayo mashariic waa weyn oo laga hirgalinayo guud ahaan Jubbaland kuwaas oo shacabka waxtar u leh.

Mashaariicdan Waxaa kamid ah dhismaha sideed wado oo laami ah kuwaas oo laga hirgalinayo Degmada Kismaayo iyo sidoo kale wadada laamiga ah ee isku xirta Degmooyinka luuq iyo Doolow oo laami laga dhigayo.

Waxaa kale oo kamid ah dhismaha garoomada diyaaradaha Afmadow iyo dhoobley kuwaas oo qaab casri ah loo dhisayo wax badana ka tari doonta kaabayaayasha dhaqaalaha

Waxaa kale oo ay Wasaaradu hormar ka samaysay Adeegyada xasilinta kuwaas oo isugu jira noocyo kala Duwan oo muhiim u ah Bulshada labadaas Magaalo ku nool iyadoo sidoo kale Wasaarada Arimaha gudaha ay gacanta ku hayso dhismaha golayaasha deegaanka Degmooyinka Luuq iyo Baardheere oo dhawaan la bilaabayo.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online