Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda PL iyo Wafdi uu hoggaaminayo tegay Caluula
December 22, 2019 - Written by EditorCaluula:-Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku tegay degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu, halkaasi oo uu Madaxweynuhu daah-furay gurmad la gaarsiiyay dadka ay roobabku saameeyeen ee Gobolka Gardafuu.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si rasmi ah u daah-furay gurmadka la gaarsiinayo dadka roobabku saameeyeen, waxaana Diyaarada Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash la socday oo Gurmadkan waday, sidoo kale ay bilow u tahay duulimaadyo todobaadkan gurmad gaarsiin doona dadka Gobolka Gardafuu.
Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa markii uu gaaray Caluula wuxuu xariga ka jaray Garoonka Diyaaradaha ee degmada Caluula oo dayactir lagu sameeyay.
Wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka waxaa ka mid ah Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane, Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan , Xubno ka mid ah labada Gole ee Dowladda, Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Mudane Gen. Muxiyadiin Axmed Aw-Muuse, Agaasimaha Hayádda Maareynta Musiibooyinka Puntland ee HADMA Cabdullaahi Cabdiraxman Cayrow, Ganacsato iyo Siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland.
no images were found
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND