Mu’tamar ay soo abaabushay Musasada Al Ansaar Sunnah oo lagu soo Gabagabeeyey Nairobi (Masawiro)

December 17, 2019 - Written by Editor

Kulan Cilmiyeed diini ah oo ay soo abaabushay Musasada Al Ansaar Sunnah ee magaalada Nairobi ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday si aad u qurxu badan

Mutamarkan ayaa waxaa sanad walba lagu qabtaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana qeybtiisii labaad ee sanadkan cinwaan looga dhigay Dadka ugu yeer diinta alle si xujo iyo cilmi ah

Mutamarka oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne lagu qiyaasay in ka badan 17000 oo qof kuwaas oo si weyn u soo camairay Mutamarka.

Culumada ka soo qeyb galashay Mutakarka ayaa waxaa ay kala yihiin 1- Sheekh Maxamed Idirs Ahmed 2-Sheekh Mustafe Xaji Ismail 3-Sheekh Dr Cali Maxamed Saalax 4-Sheekh C/rashiid Cali Suufi 5-Sheekh C/qaadir Al Ahdal

Waxaa kale oo mutamarka ka jeediyey hadalo waano iyo dardaaran ah qaar ka mid ah culumada ku dhaqan dalka Kenya oo ay ka mid yihiin

1-Sheekh Dr Maxamed Sheekh Cismaan 2-Sheekh Sahariif Dhawiil 3-Sheekh Maxamed Kenyaawi 4-Sheekh C/risaaq jiir oo ah Gudoomiyaha Musadada Al Anasaar Sunnah Waxaa kale oo Mutamarka marti ku ahaa oo hadalo waano ah ka jeediyey culumada dalka Tanzaniya sida Sheekh Cawad iyo Sheekh Jmaalu Diin oo ah imaamka Masjidka Jaamica ee magaalada Nairobi.

Mutamarka ayaa waxaa uu ahaa mid si weyn looga soo abaabulay waxaana ka dhaqeynayey dhalinyaro xoog furan waxaaana uu ku soo dhamaaday guul .inta uu Mutamarka socday waxaa laga soo jeediyey muxaadarooyin kala duwan oo ku baxayey luqadaha Soomaaliga ,Carabiga, Englishka,iyo Luqada Sawaaxiliga .

Halgan.net

Nairirobi

Comments are closed.

Archives
December 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online