Nadwo xalay lagu qabtay Masjid Abubakar (6th St) ee Nairobi[Masawiro]

December 18, 2019 - Written by Editor

Nairobi:-Iyadoo ay weli socoto nashaadaadkii mu’tamarkii ansaaru sunna ee Nairobi waxaa ilaahay mahadiis xalay lagu qabtay nadwo ballaaran Masjid Abubakar (6th St) ee ah xudunta dacwadeenna kenya, waxaana nadwada daadihinayey Imaamka iyo Sheekha Markaska Fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umal, waxaana ka qayb galay Sh. Cabdirashiid Sh. Cali Suufi, Sh. Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun, Sh. Dr. Cali Maxamed Saalix, Sh. Maxamed Idris, waxaana lagu falanqeeyey masaa’il ka mid ah axkaamta muslimiinta ku nool dalal looga tira badanyahay.

Ugu Horrayn waxaa nadwada fur furay Sh. Maxamed Cabdi Umal, oo Culimada ku soo dhoweeyey Markas Abibakr, isla markaana u mahad celiyey mu’asasada Ansaaru Sunna iyo Odaygeeda Sh. Cabdirisaaq Cabdullahi (Jiir) oo soo qaban qaabiyey shirweynihii 2aad ee oo ay soo qabanqaabisay Musasada Ansaar Al Sunna ee culumada ku casuntay mutamarka dalka Kenya.

Ka dibna wexey culimadu ka hadleen, sharafta qofka muslimkaayi ku leeyahay qabsashada diintiisa, sida looga bad baado ka qaybgalka ciidaha mushrikiinta, xuquuqda deriska gaalka ah iyo wada noolaanshaha iyo danaha guud ee ka dhexeeya bulshada wada nool.

Masjidka iyo hareerihiisa oo meel lagaga tuykado la waayey, waxaa
Sh. Umal u iftooday dadweynaha daruura ahaan iney ku tukan karaan imaamka hortiisa.

Sidoo kale waxaa ciriiri noqotay bixitaankii culimada oo dadweynuhu isku xayndaabay dhamaan jidadkii laga baxayey si ay u salaamaan culimada ilaa boolis la adeegsado, jidka 6aad na gebi ahaanba uu buux samey si aan horay loogu arag.

Nadwadii oo waqti dambe dhamaatay ka dib waxaa culimada martiqaad casha ah u sameeyey Sh. Maxamed Cabdi Umal, waxaana ka soo qayb galay culimo badan oo reer Nairobi ah, iyo wafdigii Mu’sasada Al Karam ee Hargeisa ka yimi, sh. Cabdullahi iyo Sh. Maxamed.

Caawana inshallah wexey culimadu nadwo taas la mid ah ku qaban doonaan Masjidka Hidaaya ee uu Imaamka iyo Sheekha ka yahay Sh. Dr. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli.

Habeen Hore wexey culimdu ka jeediyeen nadwo Masjid Annuur ee South C oo dariiqadu maamusho Waxaa weli socda nashaadkan weyn ee dacwada masaajida Nairobi, labada Masjid ee ugu weyn Masjidka Jaamica iyo Masjidka Hurligham waxaa khudbadaha jimcaha ka kala akhrin doona inshallahu Sh. Cali Maxamed iyo Sh.Maxamed Idris, iyadoo ku bixi doonta Carabi iyo Ingiriisi inshallahu.

Asbuuca dambe inshallahu waxaa bilaabmaya 2 shir oo kale oo waaweyn. Mutamarka lagu qaban doono Markas Tawxiid ee Kampala, oo ay ka qayb geli doonaan: Sh. Cabdirashiid Cali Suufi iyo Sh. Cali Maxamed Saalax iyo Mustafe Xaji Ismail
Waxaa kale oo Mutamar weyn lagu qaban doonaa dalka Sout Afrika waxaana mutamarka ka qeyb gali doona Sheekh Maxamed Idris Ahmed
.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
December 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online