Madaxweynaha dowladda Puntland oo saxiixay wax ka badalka 1aad ee Dastuurka Puntland

July 27, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Sharci Lr. 02 ee 27-ka Luulyo 2023, kuna saabsan Sharciga Wax-ka-badalka 1-aad Dastuurka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadiisa 16-aad iyo Qodobka 139-aad.
Markuu arkay: Ansixinta Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ee Summadeedu tahay XGGW/DPL/41/2022, kuna taariikhaysan 26-ka July 2023.

Wuxuu soo saaray
Sharciga soo socda:
Qodobka 1aad
Golaha Wakiiladu waxay ansixiyeen Sharciga Wax-ka-badalka 1-aad Dastuurka Dowadda Puntland.
Qodobka 2aad
Nuqulada asalka ah (Original) waxaa lagu kala kaydinayaa Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda
Qodobka 3aad
Dhaqangal Sharcigani wuxuu noqonayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee Dowladda Puntland, Wuuna saxiixay Madaxweynuhu, sidoo kale waxaa lagu soo saaray faafinta rasmiga ah.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2023
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online