Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Gen. Cali Nuur Cumar taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Puntland

July 11, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo Shacabweynaha Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Gen. Cali Nuur Cumar taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland, oo ku geeriyooday India .

Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu AHUN Gen. Cali Nuur u ahaa shakhsi Wakhtigiisa ku bixiyey Dowladnimada iyo u shaqeynta dadkiisa iyo dalkiisa, wuxuuna Tacsi u diray dhammaan Goleyaasha Dowladda, Saraakiisha Ciidanka , gaar ahaan Ciidanka Asluubta iyo Shacabweynaha Puntland.

“Alle ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Gen. Cali Nuur Cumar taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland, oo ku geeriyooday India, wuxuu ahaa Sarkaal usoo shaqeeyay dadkiisa iyo dalkiisa xiliyo kala duwan, isagoo xilal kasoo qabtay Soomaaliya iyo Puntland, Waa Odey kaalin weyn kasoo qaatay dhismaha Dowladda Puntland gaar ahaan dhinaca Ciidamada isagoo waxbadan ka qabtay Dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland oo uu taliye usoo noqday.

Wuxuu ku suntunaa mid danta guud, nabadda, amniga iyo horumarka ka shaqeeya, waa Tiir weyn oo ka baxay dhinaca Dowladnimada, Waxaan Tacsi u diraya guud ahaan Goleyaasha Dowladda , Ciidanka qalabka sida, gaar ahaan Ciidanka Saluubta iyo shacabweynaha Puntland.

Alle Waxaan uga baryayaa in uu Marxuumka danbigiisa dhaafo oo janadii geeyo, eheladii , qoyskiisii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodayna uu Samir iyo Iimaan kasiiyo, Aamiin.”

—-DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2023
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online