Ra’iisul Wasaare Hamze Magaalada Muqdisho amaankeeda aad buu u sii hagaagayaa.

July 30, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta Degmada Heliwaa kaga qayb kulan lagu xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha nabad galayada iyo maamulka Gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in amniga Caasimada Muqdisho ahmiyad gaara siisay Xumuumadda #DanQaran taasina ay makhraati ka tahay in maanta degmada Heliwaa lagu qabto kulanka wacyi galinta iyo wada shaqaynta bulshada oo muddo kor hor aanay suuro gal ahayn.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in wada shaqaynta hay’adaha Amniga iyo dadwaynaha caasimadu wax weyn ka beddeshay amniga caasimadda, isla markaana hadda degmo kasta si nabad galyo ah lagu tagi karo, taasina ay qayb ka tahay isku xirnaanta shacabka iyo hay’ada amniga.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen Wasiirro, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, xildhibaanno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ra’iisul Wasaaruhu uga mahdnaqay bulshada degmada Heliwaa wada shaqaynta iyo dhago nugaylka ay u yeesheen hay’adaha amniga, isla markaana degmooyinka kale ugu baaqay in si dhaw loola shaqeeyo hey’adaha amniga caasimada si looga cirib tiro haraadiga Khawaarijta ku gabanaya guryaheena.

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —

Leave a comment

*

Archives
July 2023
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online