DFS oo wamurtiyeed ka soo saaray kulan la qaadatay SSC Khaatumo

October 19, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane iyo hoggaamiyaha SSC-Khaatumo mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda shaacinta Wadatashiyadii xukuumadda Soomaaliya iyo SSC-Khaatumo.

Warmurtiyeedka uu akhriyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa u qornaa sidan;

Xukuumadda Federaalku iyada oo gudanaysa mas’uuliyadda yo waajibaadka ka saaran wadajirka iyo isu-haynta dalka, waxaa ay martiqaadday hoggaamiyaha maamulka ku meel gaarka ah ee SSC-Khaatumo yo wafdi uu hogaaminayo. Si wada tashi looga yeesho

xaaladda degaanka iyo guud ahaan dalka. Doodo iyo falanqayn dheer oo taabanayey xaaladaha siyaadadeed, amni, bani’aadamnimo kadib, waxaa la isla qaatay;

(1). Xukuumadda Faderaalka ah waxaa ay mar labaad taageeraysa go’aannadii Issimada

dhaqanku ay shirweynahoodii Laascaanood ka soo saareen 06/02/2023, iyada oo soo dhaweynaysa isla markaana la shaqaynaysa maamulka kumeelgaarka ah ee dadka deegaanku ay dhisteen.

(2). Xukuumadda Federaalka waxaa ay mar kasta ku baaqaysaa gacanna ay ka geysanaysaa dadaal kasta oo nabad iyo xasilooni ku soo dabaalaya deegaankaas, iyada oo wixii khilaaf ah ee jirana lagu xallinayo wadahadal iyo wada-xaajood. Waxaa ay maamulka SSC-Khaatumo ku bogaadineysaa sida ay diyaarka ugu yihiin xabbad joojinta iyo nabad ku wada noolaashaha.

(3). Dowladda federalka Soomaaliya waxaa ay ugu baaqeysaa Somaliland yo maamulka SSC

Khaatumo Xabad joojin iyo inay sii-daayan Maxaabiista ay kala hayaan, Waxayna xukumadda federalka diyaar u tahay inay fududeyso hawlaha arrintaas la xiriira.

(4). Xukuumadda Federaalku ayadoo ka duulaysa mas’uuliyadeeda waxaa ay si degdeg ah uga howlgalaysaa dib u soo noolaynta iyo tayaynta adeegyada bulshada sida

waxbarashada, caafimaadka, biyaha yo guud ahaan arrimaha bani’aadamnimada.

(5). Xukuumadda Fedaraalku waxaa ay ugu baaqeysaa hey’adaha dawladda, bulshada

Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka in gargaar bani’aadnimo oo degedeg ah lala gaaro deeganadaas.

——-𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—–

Comments are closed.

Archives
October 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online