Madaxweynaha dowladda Puntland oo ka tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii hore ee Gal-Mudug

October 31, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan shacabka Puntland, waxaa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Madaxweynihii Hore ee Dowladda Galmudug Marxuum Maxamed Axmed Caalin oo caawa geeriyoodey.

Marxuumku waxa uu ahaa Masuul Dalka usoo shaqeeyey, isagoo soo qabtay masuuliyado kala duwan oo uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu adeegay, waxaa uu soo noqday Madaxweynaha dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug sanadihii 2009 illaa 2012, Waxaa uu ka mid ahaa aasaasayaashii bud-dhigay maamulka Galmudug.

“ Allah ha naxariisto Madaxweynihii hore ee Galmudug Marxuum Maxamed Axmed Caalin, waxa uu ahaa masuul qaybtiisa ka qaatay dowlad dhiska Soomaaliya, waxaa uu ka mid ahaa masuuliyiinta ka shaqeeyey horumarinta dastuurka kumeel-gaarka ah ee dalka, wuxuu qayb ka ahaa shirarkii Garoowe 1 iyo Garoowe 2 iyo shirarkii Gaalkacayo, waxaan si guud iyo si gaar ah ba uga tasiyeynayaa geeridiisa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug Dowlad iyo Shacaba, Rabbi samir iyo iimaan ha innagasiiyo Marxuum ka.”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo shacabka Soomaaliyeed, kuwa Galmudug, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo awlaaddii uu ka baxay.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online