Madaxweynaha Dowladda Puntland oo shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12-ka Oktoobar.
October 12, 2023 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12-ka Oktoobar. Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u hureen sidii ay u gaari lahaayeen himiladooda Qarannimo, safka horena uga gali lahaayeen shucuubta iyo dalalka xorta ah ee leh calan iyo carro gobanimo ay dadkeedu ugu nool yihiin.
Madaxweynaha ayaa maalinta Calanka darteed Tacsi u diray Halgamaa Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa assaasihii Calanka Jamhuuriyadda iyo dhammaan cidkastoo qeyb ka aheyd halgankii Calanka iyo gobonimada dalkeenna.
“Maalintan qiimaha badan darteed, waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay dhexda u xirtaan dib u soo celinta dowladnimada si calankeennu mar labaad u noqdo mid ka dhex sharfan adduunyada inteeda kale”. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND