Madaxweynaha JFS la hadlay ciidamo DFS ee ku maqnaa dalka Ereteriya.

October 17, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Xarunta Ciidamada Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaas oo ay ka socoto dib u soo celinta Ciidamadeenna tababarka ugu maqnaa dalka Ereteriya.

Madaxweynaha oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ayaa la dardaarmay cutubyo maanta dib u soo laabtay, waxa uuna la wadaagay rajada iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay ka qeyb-qaataan cirib-tirka khawaarijta Al-shabaab, isagoo ku bogaadiyey Taliska Ciidamada Xoogga Dalka sida ay u fulinayaan qorshaha qaran ee tayeynta iyo dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka.

Ciidamada dib ugu soo laabtay dalkooda ayaa ka kooban Dhulka, Cirka iyo Badda, waxayna isugu jiraan qaar sannado badan ku maqnaa Ereteriya iyo cutubyo sannadkan bilowgiisa la diray kuwaas oo soo dhammeystirtay tababarkooda, si degdeg ahna dalkooda loogu soo celiyey, taas oo meesha ka saartay duruufo badan oo soo food saari jiray dhallinyarada u istaagay diifaca dalkooda, culeysna ku ahayd waalidkii ay ka tageen iyo qarankoodaba.

Dhankooda, Cutubyadan soo noqoshadooda uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay tayada iyo tababarka adag ee ay soo qaateen, waxa ayna muujiyeen farxaddooda ku aaddan in loo sii diyaariyey xarummihii ciidan ee ay lahaayeen, saaxiibadii ka soo horeeyey ee dalka soo gaarnay ay ka soo laabteen fasaxyadii, haatanna ay u diyaarsan yihiin gulufkii xoreynta dalka.

——–DHAMMAAD—

Comments are closed.

Archives
October 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online