Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay siihayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya

October 24, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho kulan kula qaatay siihayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon iyo Korneyl David J.Haskell oo ah Taliyaha Howlgalka Africom ee Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa muujisay taageeradeeda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, iyagoo Madaxweynaha iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay uga libinta keeneen dagaalkan, maadama gacanta argagixisada laga saaray deegaanno badan oo istaraatiiji u ah isu-socodka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda oo kulankan uu kala qeyb-galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo bandhigay go’aanka mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay isla qaateen ee ku aaddan in ay iska dulqaadaan argagixisada ciriiriga ku haysa nolasha dadka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay doorka horumarineed ee Soomaaliya amni ah ay ka qaadan karto Geeska Afrika.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey taageerada farsamo iyo milatari ee saaxiibada caalamku ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay mudan yihiin taageero ciidan oo taas ka mug weyn, maadaama argagixisadu ay yihiin aafo caalami ah oo ay tahay in lagu dabar-gooyo iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah.

DHAMMAAD

Comments are closed.

Archives
October 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online