Madaxweynaha JFS oo shir gudoomiyey shirkii Golaha xukuumada Federaalka Soomaaliya

October 12, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dardargelinta qorsheyaasha hortebinta u leh Xukuumadda ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada, kaas oo lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray howlgallada dalka looga ciribtirayo Khawaariijta Al shabaab.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda oo Golaha uga warbixiyay halganka uu hoggaaminayo ee khawaarijta looga sifeeynayo deegaannada ay kaga harsan yihiin dalka ayaa tilmaamay in hawlgallada ka dhanka ah Khawaariijta uu marayo heer gebagebo ah, isagoo ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed garab istaagga ay u muujiyeen Ciidamada Qalabka Sida oo si naf hurnima leh uga adkaaday Cadowga argagixiasada ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Golaha ku dhiirageliyey dadaalladda ay ku bixinayaan dib u dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhameystirka xeerarka muhiimka u ah dowlad dhiska iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.

Dhanka kale, Madaxwrynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qayb galay Olale dhiig loogu shubayo ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira Khawaarijta, kaasi oo loo dhigayo Banngiga keeydka waxaana kulankan soo abaabuulay dhalinyarada Soomaaliyeed oo qayb ka ah kacdoonka ciribtirka Khawaarijta.

—–DHAMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
October 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online