Madaxweynaha JFS Xasan Sh Maxamuud oo qaabilay hoggaamiyaha SSC Khaatumo

October 13, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka hoggaamiyaha SSC Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada SSC Khaatuma ka dhageystay Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Firdhiye, Isagoo la wadaagay Madaxda heer Federaal aragtida, hiigsiga dadka deegaannadaas iyo caqabadaha nololeed ee ka dhasahy dagaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in bulshada ku dhaqan deegaannada SSC Khaatumo maanta looga baahan yahay in ay xoogga saaraan sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

———DHAMAAD—

Comments are closed.

Archives
October 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online