Madaxweynaha JFS Xassan Shiikh Maxamuud oo maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada

October 13, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, oo uu kula wadaagay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu danbeeyey ee Khawaariijta Dalka looga sifaynayo.

Madaxwaynaha ayaa Golaha uga warbixiyay dadaalka ka socda jiidda hore ee dagaalka, isagoo tilmaamay in wajigii labaad ee hawlgallada Khawaariijta laga gaaray guulo waaweyn, isla markaana ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanku horumar muuqda ay sameeyeen furimaha dagaalka.

Waxa uu sheegay in laga xoreeyey deegaanno muddo dheer fariisimo u ahaa cadawga oo ay dadka ku dhibaatayn jireen, isagoo ku boorriyay Golaha Wasiiradda Xukuumadda #DanQaran in ay sii labalaabaan doorka ay ka qaadanayaan hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaariijta.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale sheegay in dhamaystirka Dastuurka Federaalka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladnimada Soomaaliyeed, si loo helo hay’ado is dheelitira oo sharciga ku shaqeeya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa isna kulanka ka sheegay in xukuumaddu ay yagleeshay laba guddi oo heer Wasiiro ah, kuwaas oo kala ah Guddiga Taakulaynta Ciidmada iyo Guddiga Wacyigalinta howlgallada lagu sifaynayo Khawaariijta oo gacan ka geysan doono halganka dib u xoreynta dalka.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa maanta lagu ansixiyay Hindise sharciyeedyo iyo heshiisyo caalami ah oo ku saabsan dhaqaalaha, caafimaadka, warfaafinta iyo dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed.

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale

Leave a comment

*

Archives
October 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online