Madaxweynaha Puntland qeybgalay xilka Kula wareegay Taliyaha cusub ee Ciidanka Daraawiishta.

October 29, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay munaasabadda uu xilka Kula wareegay Taliyaha cusub ee Ciidanka Daraawiishta S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi oo ka dhacday xarunta Taliska Ciidanka Darawiishta ee xerada 54-aad.

Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimada Dowladdu siisay dhismaha iyo dib-u-habeynta Ciidanka, taasi oo hadda ka muuqata guulaha laga gaaray difaaca iyo horumarka xarunta Ciidanka Darawiishta iyo hanaanka kala sareynta iyo kala danbeynta.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Taliska Ciidanka Daraawiishta, Taliska Ciidanka Booliska, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Saraakiisha kale ee laamaha Amniga Puntland.

-DHAMMAAD-

Comments are closed.

Archives
October 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online