Mid ka mid ah raggii lagu eedeeyay dilka Sh.Maxamed Xassan oo dambi lagu helay.[Video]
October 26, 2023 - Written by EditorColumbus:-Maxkamad ku taalla magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa dambi ku heshay nin kamid ah raggii magaaladaasi ku dilay Sheekh Maxamed Xasan Aadan oo kamid aha culumada ugu waaweyn ee dalka Mareykanka. Sheekha ayaa la dilay bishii December ee sanadkii 2021kii, kadib markii ay afduubteen raggii dilay.
Dacwadda kiiska oo muddo soo jiitamaysay ayaa xeerbeegtidii loo saaray ay isku raaceen in eedeysanaha uu galay afar kamid ah shanti dacwdadood ee lagu soo oogay.
Cabdishakuur Salaad Maxamed oo kamid ah qaraabada Sheekha, islamarkaana kamid ahaa guddigii jaaliyadda Soomaalida ee Clombus ay u xilsaarteen la socodka kiiskan ayaa wariyaha VOA-da Abdikafi Yuusuf Aadan uga warramay sidii ay dacwaddu u dhacday.
VOA