Qarax ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho iyo Al-Shabaab oo sheegtay (Daawo)
December 11, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka Qarax xooggan uu ka dhacay afaafka dekedda Muqdishu xili ay halkaas tubnaayeen xoogsatada dekedda Muqdishu.
Qaraxa ayaa kooxda Al-Shabaab ee sahladay shiiga shacabka Soomaaliyeed waxay u adeegsadeen baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa kaas oo ku qaraxay afaafka dekedda Muqdishu .
Warbaahunta Al-Shabaab ee ku caanka ah beenta ayaa waxay sheegeen in ay 30 askari oo ka tirsan DFS ay ku dileen qaraxii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho.
no images were found
Taliyaha booliiska gobolka Banaadir Korneel Bishaar Abshir Geeddi ayaa waxaa uu qiray in uu jiro qaraxa ka dhacay dekedda Muqdishu wuxuuna sheegay in uu jiro Khasaaro tiro badan.
Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud ayaa tacsi u diray dhamaan qaraabada dadkii ku dhintay Qaraxii saaka ka dhacay afaafka dekedda Muqdishu .
A/Cawale
Halgan.net