Weerarka Berlin oo loo raadinayo Nin reer Tunis ah oo lagu magacaabo Anis
December 21, 2016 - Written by EditorBoliiska Jarmalka ayaa raadinaya nin reer Tunisia ah oo lagu magacaabay Anis oo lagu tuhunsan yahay weerarkii Berlin, sida ay sheegtay warbaahinta. Sida ay sheegtay warqad aqoonsi oo waddanka lagu joogo si ku meel gaar ah oo laga helay gaariga weerarka lagu qaaday dhexdiisa, ninka ayaa ku dhashay 1992 magaalada Tataouine, ayay sheegayaan wararka. Howlgalka boliiska wuxuu ka socdaa gobolka North Rhine-Westphalia ee laga bixiyay warqada waddanka uu ku joogay.
Wararka ayaa sheegaya in qofka weerarka lagu tuhunsan yahay laga yaabo inuu ku dhaawacmay markii uu la dagaalamay darawalkii baabuurka.
Sida uu sheegay wargayyada Allgemeine Zeitung iyo Bild, ninka laga shakisan yahay oo da’diisa tahay 21 ilaa 23 ayaa lagu yaqaanaa saddex magac oo kala duwan.
Ninkii loo haystay weerarkii suuqa Berlin oo la soo daayay Jarmalka: ‘Ma hubno qofka aan hayno inuu yahay kan weerarka gaystay’. 12 qof ayaa dhintay 49 kalena waa ay dhaawacmeen markii gaari lagu dardarsiiyay dad jooga suuqa Breitscheidplatz ee Kirismaska. Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ayaa sheegtay inay ka danbaysay weerarka, laakiin wax cadayn ah ma sheegin.
Waxaa soo baxday in darawalkii baabuurka in laga yaabo inuu la dagaalay ninka weerarka qaaday markii gaariga lagu weeraray dadka.
Darawalkii gaariga oo u dhashay Lukasz Urban oo u dhashay Polish, ayaa laga helay maydkiisa gaariga, isagoo ay ku yaalaan dhaawac xabad iyo mindi.
BBC Somalia
Halgan.net