Taliye ku-xigeenkii ciidanka Madaxtooyada Somalia oo lagu dilay Muqdisho.
December 31, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, ayaa sheegay in goordhaweyd lagu dilay gudaha xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya Taliye ku-xigeenkii ciidanka Madaxtooyada Somalia Cabdi Cabdulle Qoorgaab xilli uu ku sugnaa xafiiskiisa.
Dilka Taliye ku-xigeenkii ciidanka Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa geystay mid ka mid ah ciidamada ka howlgala madaxtooyada lama oga ilaa haatan sababaha uu u dilay taliya.
Askarigii dilka gaystay ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday, waxaana lala yaaban yahay qaabka uu u fakaday askariga ku dhex dilay Taliye ku-xigeenkii ciidanka Madaxtooyada Somalia .
A/Cawale
Halgan.net